Somali News

Axmed Madoobe oo weli abaabul dagaal ka wado Afmadow.

Afmadow-KNN-Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Madoobe) ayaa dhaq dhaqaaqyo iyo abaabul dagaal weli waxaa uu ka wadaa degmada Afmadoow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Axmed Madoobe Madaxweynaha Jubbaland ayaa maalmo ka hor waxaa uu sheegay in ay weerarka Al-Shabaab ay ka qaadi doonaan degmada Afmadow, isagoona sheegay in qorshahaas oo uu sheegay in meel wanaagsan uu marayo.

Madaxweynaha Jubbaland Waxaa uu shaaca ka qaaday in Jubbaland ay ka go’an tahay in Al-Shabaab laga saaro degmada Bu’aalo ee Gobolka Jubbada dhexe oo ah Caasimadda Maamulka Jubbaland,isla markaana ay Shabaab maamulaan.

Maamulka Jubbaland ayaa abaabul dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab waxaa ay ka wadaan deegaano ka tirsan Gobalada  Jubooyinka.