Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa xalay xarunta madaxtooyada Jubbaland ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Faderaal FEIT, Muuse Geelle Yuusuf iyo xubno ka tirsan guddiga oo shalay gaaray Kismaayo si ay qayb oga noqdaan doorashada kuraasta aqalka hoose ee ku asteeysan Jubaland.
Guddiga heer Faderaal waxaa booqashada ay ugu yimaadeen Madaxweynaha ku wehlinayey Guddiga hirgalinta doorashooyinka Jubaland SEIT.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in habsami u socodka howlaha doorashooyinka ay rajo galinayso shacabka Soomaaliyeed loona baahan yahay in la dadajiyo.