Somali News

Axmed madoobe “waxaan ugu baaqayaa dhamaan hay’adaha gargaarka inay taageero ka gaystaan gurmadka aan wadno.

Muqdihso-KNN-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland axmad Maxamad Islaam  ayaa  ka hadlay Abaaraha ka jira Degaanada iyo degmooyinka Maamulka Jubbaland.

Madaxweyne ayaa shegay in Guud ahaan Jubaland  bilihii lasoo dhaafay ay jirtay abaaro daran oo saameeyay dadka xoolo dhaqatada, beeraleeyda iyo guud ahaan bulshada.

Intaas waxaa sii dheer xoolo dhaqato iyo dad ree guuraa ah oo kasoo barakacay dalalka dariska ah oo soo gaaray Gobolada Jubaland ayuu raaciyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Tiro gaaraysa 174,000 oo qoys ayaa ku barakacay abaarta iyo saamanteeda laga soo bilaabo Oktoobar 2021, iyadoo dadkaas ay wajahaday cuno yari baahsan iyo biyo la’aan meelaha qaarna wali dadku ay la il daran yihiin.

“Gobolka Jubada Hoose oo kaliyah, waxaa ku barakacay 76,000 oo qoys halka sidoo kale Jubada dhexe ay ku barakeceen dad gaaraya 40,000, gobolka Gedo isagana waxaa ku barakacay 58,000 qoys ilaa bilowga sanadkan, ayuu yiri Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Waxaa kaluu sheegay in Dowlad Goboleedka Jubbaland ay awoodeeda isugu gaysay sidii gurmad baaxad leh loola gaari lahaa dadka dhibaatadu ay gaartay

“In ka badan 250 deegaan guud ahaan Jubaland ayaa la gaarsiiyay gurmad kala duwan oo isugu jiro cuno iyo biyo, sidoo kale waxaan meelaha qaar la geeyay howlwadeeno iyo dhakhaatiir caafimaad oo la tacaala xanuunka #Covid19 oo meelaha qaar aad ugu faafay. ayaa raciyay Axmed Madoobe.

“Iyadoo ay jiraan dadaaladaas baaxada leh, hadana wali dhibaatada abaartu waa mid u baahan gurmad dheeraad ah.

“waxaan ugu baaqayaa dhamaan hay’adaha gargaarka iyo cid walba oo ka qeyb qaadan karta inay taageero ka gaysato gurmadka aan wadno, ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

Waxaa uu ugu danbeeyntii shegay in uu u mahad celinayo guud ahaan masuuliyiinta Dowlad Goboleedka Jubaland gaar ahaan Wasaarada gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka iyo cid walba oo ka qeyb qaadanaysa gurmadka socda.