Somali News

Baadiyow oo sheegay in howsha guddigiisa ay gaba-gabo mareyso

Muqdisho-KNN-Gudoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta Galmudug Cabdiraxmnaan Macallim Cabdullaahi (Baadiyow), ayaa sheegay in uu gabogabo yahay shirka dib u heshiisiinta beelaha Galmudug oo haatan ka socda magaalada Dhuusamareeb.

Cabdiraxmaan Baadiyow ayaa sheegay in Galmudug ay ka gudubtay marxaladdii koowaad ee dib u heshiisiinta beelaha isla markaana ay gabogabo tahay howshii loo idmaday guddiga dib u heshiisiinta  ee uu guddoomiyaha ka yahay.

Guddoomiyaha ayaa baaq usoo jeediyay guddiyadda ka danbeya ee qeybta ka noqon doona dib u dhiska maamul Galmudug, isagoo kula taliyay in ay muhiim tahay in la saxo wax walba si loogu guuleysto dhismaha maamul loo dhanyahay oo laga yagleelo Galmudug.

“Si sax ah in wax loo dhiso ayaan rabnaa sidaas ayaa ku dardaarmaynaa iyadoo wixii qilaafaad ahna ee beeluhu ay dareen ka qabaanna waa la xallinayaa hadduu Alle yiraahdo, qeybta labaad ee shirka ayaana lagu xallin doonaa” ayuu yiri guddoomiye Baadiyoow.