Somali News

Baaq deg deg ah oo ka dhan ah xadgudubyada ciidamada Myanmar oo loo diray QM

Hey’ada u dooda xuquuqda aadanaha  ee Amnesty International ayaa  ugu baaqday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay tallaabo deg deg ah ka qaadaan dalka Myanmar, ka hor Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada, inta aysan go’aan ka qaadan wadankan.

 Waxaa soo ifbaxayaan cadeymo muujinaya xadgudubyo milatari oo hor leh, kuwaas oo ay ku jiraan toogashada aan kala sooca lahayn iyo falal kufsi ah ee loo geysanayo dadka rayidka ah.

Ciidamada dowladda Myanmar ayaa lagu soo waramayaa in shacabka ay si micno daro ah u laayaan, gaar ahaan qoymiyadda muslimka u badan ee Rohinja.

Warbixintan oo lasii daayay maanta oo Isniin ah ayaa waxaa la socda muuqaalo iyo sawirro muujinaya ciidamada militeriga iyo kuwa booliska dalkaas.

Sidoo kale dukumitiyada la soo bandhigay ayaa muujinaya ciidamad oo u hanjabaya ehellada dadkii ay sida bareerka ah u toogteen.

Sidoo kale dowladda Myanmar ayaa lagu eedeeyay inay shacabkeeda ka hor istaagtay isticmaalka adeegyada internet-ka. Taasi oo ka hor imaanaysa xuquuqul insaanka.

Manyamar oo si weyn loogu dhibaateeyo msulimiinta Rohingya ayaanan warbixintan si toos ah loogu xusin in xoriyadooda nolosho si caadi ah loogu soo celiyo.