Somali News

Baaritaankii janhabaadaha loo geystay Caa’isha Romano oo lasoo gaba-gabeeyey

“Ma jirin hanjabaad halis ah oo ka dhan ahayd (Caaisha) Silvia Romano,” ayuu yiri garsoore maxkamadeed oo dhageystay kiiska.

Balse wuxuu xaqiijiyay in ay jirtay aflagaado iyo caay. Waxaa jiray hadallo badan oo ka dhan ah gabadhaas qaadatay diinta Islaamka, oo lagu baahiyay baraha bulshada.

Caa’isha Silvia Romano, oo baraha bulshada loo mariyay aflagaadada ayaa go’aansatay in aysan maxkamad u dacwoonin. Waana suuragal in taas ay sabab u tahay in kiiska maxkamadda la laalo.

Sida ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta Taliyaaniga, Silvia Romano ma dooneyso in ay gudbiso dacwad ku saabsan aflagaada iyo hanjabaadda iyo hadallada naceybka ah ee loogu soo gudiyay baraha bulshada.

Gabadhan oo ka shaqeyn jirtay arrimaha gargaarka, waxaa laga afduubtay Kenya, bishii November 2018-kii, waxaana la siidaayay bishii May 2020. Waxaa lagu haystay Soomaaliya, waxayna diinta islaamka qaadatay muddadii afduubka loo haystay.

Markii ay ku noqotay Taliyaaniga, sannadkii hore, waxaa baraha bulshada loogu diray boqollaal fariin oo kala duwan.

“Waa naceyb lagu baahiyay baraha bulshada”. Waa sida ku qoran natiijada ka soo baxday baaritaankii uu sameeyay xafiiska dacwad oogaha magaalada Milan.

Xafiiskaas wuxuu Facebook weydiistay in uu sheego aqoonsiga dadka isku hoos qarinayay boqollaal cinwaan oo been abuur ahaa, waxaana la amray in la xiro dhamaan cinwaanadaas.

Baaritaanka oo uu billabay xafiiska maamulaha la dagaallanka argagixisada, Alberto Nobili, waxaa lagu doonayay in lagu ogaado hanjabaadda ka dhanka ah Caaisha Silvia Romano.

Sababaha loo aflagaadeynayay waxaa ka mid ahayd in diinta Islaamka ay qaadatay, taas oo “dad badan oo Taliyaani ah ay diidanaayeen”.

Ilaa 40 farriin oo hanjabaado ah, oo loo arkay kuwo aad khatar u ah ayaa loo diray gabdhan, oo markii ay muslimtay, lana baxday magaca Caa’isha, labiskeedana ka dhigtay mid asturan.

Dadka lasoo xiriiraya ayaa u sheegaya inay dili doonaan, sababtuna ay tahay go’aankeeda Islaaminada.

Waaxda dambi baarista ee booliska Talyaaniga ayaa wadda howlgal ay diiradda ku saareyso aqoonsiga dadka farriimahaas soo diray.

Kooxda baaritaanka wadda oo ay hoggaaminayaan Alberto Nobili iyo Carabinieri del Ros ayaa sheegtay inay marka hore kala xaqiijinayaan saxnimada farriimaha, si loo ogaado dadka ay ka soo baxeen, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka dowladda Talyaaniga ee ANSA.

BBC