Somali News

Baaritaano dad badan lagu soo qabtay oo xalay laga sameeyay degmada Shibis

Muqdisho-KNN-Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa xalay waxaa ay baaritaano ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Shibis ee Gobalka Banaadir.

Baaritaanka ay sameeyeen ciidamada  booliska ayaa waxaa lagu soo qabtay dhalin yaro aad u fara badan ,kuwaasi oo qaarkood ay ka xeysteen ciidamada booliska Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in ciidamada ay baaritaano ku sameynayeen Gaadiidka noocyadiisa kala duwan, kuwaasi oo ka howlgala degmada Shibis iyo degmooyinka kale ee gobolka Banaadir,waxaana sidoo kale baaritaanka uu ahaa mid guri guri lagu baarayey.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay Taliska Booliska Soomaaliya, kaasi oo ku aadan in ay faahfaahin ka bixiyaan baaritaanada xalay laga sameeyay degmada Shibis ee Gobalka Banaadir.

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa Mudooyinkii dambe waxaa ay baaritaano ka sameynayeen qaar ka mid ah degmooyinka Gobalka Banaadir.