Somali News

Baaritaano dad lagu soo qabtay oo xalay ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-KNN-Xaafado ka tirsan degmada Dharkenlay ee gobolka Banaadir ayaa xalay Ciidamada Booliiska Soomaaliya waxa ay ka sameeyeen baaritaano dad lagu soo qab qabtay.

Xalay ayaa habeenkii Seddaxaad oo ay howlgalo ka socdaan u aheyd degmada Dharkenlay, waxaana xalay ay Ciidamadu xaafado ka tirsan degmadaas ka soo qab qabteen dhalinyaro badan oo lala xariirinayo falal amaanka lidi ku ah.

Dad ku sugan degmada dharkenlay ayaa KNN u sheegay in ay Ciidamadu xaafadaha qaar ay guri guri u baarayeen dhalin yaro badan ayay sheegeen in ay Ciidamadu soo aruuriyeen iyagoo qaarna ka xeystay qaarna siidaayay.

Habeenadii nadhaafay oo ay xalay ugu danbeysay ayaa Howlgalo is daba jooga waxa ay Ciidamad Booliisku Ka sameeyeen degmada Dharkenlay ee gobolka Banaadir, waxaana xusid mudan inta badan degmooyinka iyo xaafadaha ay ka koobantahay magaalada caasimada ah ee Muqdisho in ay  Ciidamada Boolisku ka wadeen baaritaano ay sheegeen in amniga Caasimdda lagu xaqiijinayo.