Somali News

Baaritaano ka socda Afgooye, kadib dil ka dhacay

Afgooye-KNN-Ciidamada booliska  ayaa maanta waxaa ay baaritaano ka wadaan gudaha degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose.

Howlgalladan ayaa daba socda kadib dil degmadaasi loogu geystay qof shacab ah, islamarkaana kooxda dilka geysatay ay goobta ka baxsadeen.

Ciidamada booliska ayaa dhalin  yaro badan waxaa ay ka qabteen, xaafadaha degmada Afgooye ee gobolka shabeellada Hoose.

Taliyaha ciidanka booliska degmada Afgooye Cabdi Qaadir Mursal Nuunow oo la hadlay KNN ayaa sheegay in kooxihii dilka ka geystay degmada ay ku raad joogaan, islamarkaana ay gacanta ku soo dhigi doonaan.

Sidoo kale Taliyaha saldhiga booliiska degmada Afgooye, C/qaadir Nuunow ayaa sheegay in howlgalada ay yihiin kuwa ka socda gudaha iyo banaanka degmadaasi.