Somali News

Baaritaano ka socda Boosaaso.

Muqdisho-KNN-Ciidamada Amniga ee maamulka Puntland oo saakay howlgalo ka wado xafadaha magalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Ciidamada ayaa baaritaankooda waxaa  ay bilaabeen xalay, waxaana laga sameeyay xaafadaha qaar ee magaalada Boosaaso.

Dhalin yaro badan ayaa lagu soo qab-qabtay Howlgalka ay sameeyeen ciidamada amaanka ee Maamulka Puntland.

Saraakiisha Amaanka Puntland ayaa sheegay in saacadaha soo aadan ay faahfaahin doonaan Baaritaanada ka soconaya Magaalada Boosaaso iyo duleedkeeda.