Somali News

Baaritaano lagu sameenayo weerarkii lagu qaaday Masaajidyo ku yaala New Zealand.

Muqdisho-KNN-Ra’iisul Wasaaraha dalka New Zealand Jacinda Ardern ayaa amartay in baaritaano heer sara ah lagu sameeyo weerarkii dhawaan lagu qaaday labo masjid oo ku yaalo magaalada Christchurch ee dalka New Zealand.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegtay in gudi katirsan boqortooyada New Zealand ay qiimayn doonaan haddii booliska iyo sirdoonka dowlada ay ka hortagi kareen weerarkii dhacay 15’kii bishan.

Waxaa jiro su’aal aan jawaabteeda u baahan’nahay, taasi oo ah in aan ogaano in weerarka argagaxiso laga hortagi karay iyo inkale ayay tiri Ra’iisul wasaare Jacinda.

Horay New Zealand waxa ay dalkeeda kaga mamnuucday hubka darandooriga u dhaco iyadoona dowladu sheegtay in ay ka feejignaan doonto in weerar kaasi lamid ah uu dhaco.

Weerarkii 15’kii bishan March ka dhacay New Zealand waxaa ku dhintay 50 ruux oo ku cibaadaysanayay labo Masjid oo ku yaalo gudaha dalka New Zealand, kuwaasi oo ay ku jiraan Soomaali.