Baladweyne-KNN-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada Amaanka ay baaritaano xoogan saaka ka wadaan gudaha magaaladaasi.
Baaritaanka ay sameynayaan Ciidamada ayaa ka dambeysay kadib markii xalay Askari ka tirsan militariga Soomaaliya lagu dilay Magaalada Baladweyne ee Gobalka Hiiraan.
Dad Goobjoogayaal ayaa KNN u Sheegay in Baaritaanka uu saakay socda, Islamarkaana ay sameynayaan Ciidamada dowlada Soomaaliya.
Weli ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidanka Xoogga iyo Maamulka Magaalada Baladweyne, kaasi oo ku aadan in ay faahfaahin ka bixiyaan dilka loo geystay askariga ka tirsan Militariga Soomaaliya.


