Somali News

Baaritaano saakay ka socda Beledweyne.

Beledweyne-KNN-Ciidamada amaanka ayaa saakay waxaa ay baaritaano ka wadaan xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Beledweyne ee Gobalka Hiiraan.

Baaritaankan ayaa ka dambeeyay, kadib markii xalay qarax Miino uu ka dhacay bartamaha magaalada Beledweyne, waxaana la sheegay in qarax la dhigay goob ay ku caweeyaan dadka shacabka ku dhaqan Beledweyne.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in  Qaraxa uu  ku dhaawacmay hal qof.

Ma jirana weli wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Magaalada Beledweyne ee Gobalka Hiiraan.