Uncategorized

Baaritaano saakay ka socda degmada Afgooye kadib Qarax ka dhacay degmadaasi.

Afgooye-KNN-Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee degmada Afgooye ayaa saakay Baaritaano ka wada Xaafado ka tirsan degmadaasi kadib Qarax la sheegay in Shalay galab uu ka dhacay degmadaasi.

Wararka ay heleyso Idaacadda kulmiye ayaa sheegaya in Ciidanka ay Baarayaan Gaadiidka iyo dadka sidoo kalane ay baaritaano ku sameynayaan Xaafadaha qaar waxaana jirta tiro dad ah oo ay Ciidamada qabteen.

Shalay gilinkii danbe ayaa la sheegay in meel u dhaw Buundada Afgooye Ciidamo ku sugan in lagu weeraray Qarax miino oo loo galshay nawaaxiga Sadhigooda.

Afgooye ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay waxaa ku soo badanaya falalka Amni darada ah iyo Weerarada tooska ah.