Afgooye-KNN- Ciidamada Xoogga ayaa saakay waxaa ay baaritaano ka wadaan degmada afgooye ee gobalka Shabeelaha Hoose,kadib markii Saakay Aroortii dagaalamayaasha Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Fariisin ay Ciidamada Militariga ku lahayeen agaga gaarka Buulo Fooliyo.
Dad goobjoogatyaal ayaa KNN u sheegay in Ciidamo badan saakay lagu arkayo wadooyinka waa weyn ee degmada afgooye, islamarkaana dadka weydiinaya Halka qofka degan yahay in meesha uu u socdo.
Sidoo kale Ciidamada ayaa waxaa ay baarayaan Gaadiidka soo gala Gudaha degmada ee ka imaanaya degaanada ka agdhow degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha Hoose.
Dagaalka dhex maray ciidamada xoogga iyo Al-Shabab ayaan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.
Saraakiisha Ciidanka Xoogga ee ku sugan degmada Afhooye oo la hadlay KNN ayaa sheegay in ay iska caabiyeen Shabaabkii weerarka soo qaaday, islamarkaana saakay ay Baaritaano ka wadaan xaafada degmadaasi.
Al-Shabaab ayaa Mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa ay weerar ka geysanayeen deegaanada iyo degmooyinka ka tirsan Gobalka Shabeelaha hoose.


