Somali News

Baaritaano saakay ka socda Duleedka Afgooye

Afgooye-KNN-Ciidamada Xoogga ayaa saakay waxaa ay baaritaano ka wadaan duleedka Degmada Afgoooye ee Gobaolka Shabeellada Hoose.

Howlgalkan ayaa ka dambeeyay kadib markii xalay dagaal culus uu ka dhacay duleedka degmada Afgooye,kaasi oo ay soo qaadeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Militariga Soomaaliya oo ka baxay degmada Afgooye kuna sii jeeday deegaanka Sabiib ayay Al-Shabaab wadada u galeen,waxaana dagaalka uu si rasmi ah uga dhacay deegaanka Cumar-dheere oo duleedka ka ah degmada Afgooye, sida uu soo sheegayo Wariyaha KNN ee Shabeellada Hoose Axmed Abuukar Sabriye

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in saakay ay arkayaan ciidamo aad badan oo baaritaano ka wado inta u dhexeysa Afgooye iyo Deegaanka Sabiib ee gobalka Shabeellada Hoose.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Gobalka Shabeellada hoose iyo Saraakiisha Ciidanka Xoogga eek u sugan Gobalkaasi.