Somali News

Baaritaano saakay ka Socda duleedka Boosaaso.

Boosaaso-KNN-Ciidamada Amaanka ayaa Saakay baaritaano ka wada duleedka Magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari.

Baaritaankan ayaa ka dambeeyay kadib markii xalay Ciidamada Puntland lagu qarxiyay Deegaanka Bali Qadar ee buuraha Galgala ee Gobalka Bari.

Saraakiisha Puntland ayaa sheegay inay baadi goobayaan xubnaha ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacish.

Gobalka Bari ayaa waxaa qeybo ka mid ah waxaa maamula dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo Daacish.