Somali News

Baaritaano saakay ka socda Kismaayo kadib sarkaal xalay lagu dilay

Muqdisho-KNN-Koox hubeysan ayaa xalay waxaa ay sarkaal ka tirsan booliska Jubbaland lagu dilay Bartamaha Magaalada kismaayo ee Gobalka Jubbada Hoose.

Sarkaalka ayaa  waxaa lagu dilay Bar Kontorool oo uu ku sugnaa, waxaana xiliga dilka uu dhacayay socday Baaritaano Askar katirsan Ciidamada Jubbaland ay ku sameynayeen Gaadiidka isticmaala wadooyinka Magaaladaasi.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in kooxdii dilka geysatay ay goobta ka baxsadeen, iyadoona halkaasi ay baaritaano ka sameeyeen ciidamada amaanka ee Maamulka Jubbaland.

Dilka sarkaalka ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xili habeen hore Xaafadda Shaqaalaha  dil loogu geystay Cabdiqaadir Ibraahim Xasan oo kamid ahaa Odoyaasha dhaqanka. Ee Jubbaland.

Dad badan ayaa waxaa ay walaac ka muujiyeen dilalka ku soo kordhay Magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubbada Hoose.

Dhanka kale Ciidamada amaanka Jubbaland ayaa saakay waxaa ay baaritaano ka wadaan bartamaha Magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubbada Hoose.