Somali News

Baaritaano xalay laga sameeyay qaar ka mid ah degmooyinka G/banaadir.

Muqdisho-KNN-Koox hubeysan ayaa xalay waxaa ay qof shacab ah ku dileen degmada Boodheere ee Gobalka Banaadir.

Dilka ayaa waxaa uu si gaar ah kaga dhacay Xaafada Maana boolyo ee degmada Boondheere, waxaana marxuumka la dilay magaciisa lagu soo koobay Gaduudow, waxaa uuna ahaa qaadoole sida ay dadka deegaanka u sheegeen KNN.

Kooxda dilka geystay ayaa goobta ka baxsatay, iyadoona halkaasi ciidamada amaanka ay halkaasi baaritaano  ka sameeyeen, islamarkaana  dad badan ay ku soo qabteen.

Dhanka kale Ciidamada Boolis-ka ee gobalka Banaadir ayaa xalay waxaa ay Baaritaano ka sameeyeen  ,qaar Kamid ah xaafadaha Degmooyinka Waaberi iyo Xajajab.

Dhalinyaro badan oo howlgalkan lagu soo qabtay ,islmarkaana indhaha ka xeran ayaa Ciidamada wax ay Su’aal ku weydiinayaan ,xaafada Baar ha idhaafin  iyo agagaarka buundooyinka.

Howlgaladan ay laamaha amaanka kasameenayan, qaar Kamid ah xaafadaha Degmooyinka Waaberi iyo Xajajab  ee Muqdisho ayaa imaanaya xili shalay  ay kooxo Bastoolada ku hubeysan ay macallin Dugsi Quraan ku dileen xaafada Baar ha idhaafin ,iyagoona goobta ka baxsaday.