Muqdisho-KNN-Habeenkii labaad ayay Ciidamada Booliiska Soomaaliya waxa ay baaritaano ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmada Dharkenley ee Gobolka Banaadir.
Xaafadaha Dabakayo Madow iyo Xoosh ayaa la sheegay in ay xalay Ciidamadu guri guri ubaarayeen, iyagoona howlgaladaas ku soo qabtay dad u badan Dhalinyaro.
Dad ku sugan xaafadaha ay Ciidamadu baaritaanada ka sameeyeen ayaa inoo sheegay in dhalinyaro badan habeenkii labaad ay Ciidamada Booliisku iskugu keeneen goob fagaare ah, iyagoo dhalinyaradaas qaar siidaayay halka kuwana la sheegay in ay wali baaritaano ku wadaan.
Sidoo kale waxa ay Ciidamadu mid mid u baarayaan Gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee ka shaqeeya degmada Dharkenley iyo degmooyinka kale ee gobolka Banaadir.
Dad ku sugan Xaafadaha Dabakaayo Madoow iyo Xoosh oo inta badan howlgalka laga sameeyey ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka uu xalay saameyn ku yeeshay Ganacsiga iyo dhaq dhaqaaqa Dharkenley, hayeeshee markii dambe ay dib u furmeen.