Somali News

Baarlamaanka Carabta iyo Ururka OIC oo taageero siinaya Soomaaliya

Muqdisho-KNN-Baarlamaanka Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC, ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxyadii shalay ka dhacay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta,Dr; Mishcal, bin Faham, Asalami, ayaa tacsi u diray , Madaxweynaha, Xukuumadda, Baarlamaanka iyo Shacabka Soomaaliya, geeridii ku timid Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada, Saqar Ibraahim Cabdalla, oo xubin hore ka ahaa Baarlamaanka Carabta, kaas oo ku dhintay qaraxii lala beegsaday wasaaradda Shaqada.

Wuxuuna guddoomiye, Mishcal Alle uga baryay in uu Jannadii Fardowsa ka waraabiyo marxuumka, Ehelladii iyo qaraabadii u ka tagayna samir iyo iimaan ka siiyo.

xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka, Dr; Yuusuf Bin Axmed Al-Cutheymiin, ayaa sheegay in Ururku uu cambaaraynayo falalka Argagixisanimada ah nooc walba oo ay yihiin, wuxuuna intaa raaciyay in OIC ay garab taagan tahay Dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale Baarlamaanka Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa ku isku raacay in ay Soomaliya ka taageeri doonaan Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish.

Weerararkii shalay lagu qaaday wasaarada shaqada iyo Arimaha bulshada ayaa waxaa ku dhinteen ku dhawaad 10 qof, halka tiro intaa ka badana ay ku dhaawacmeen.