Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Ciraaq ayaa sheegay in uu hayo cadeymo muujinaya in Israel ay ka danbeyso weerar ka dhan ah dagaal yahano madani ah oo taageera dowlada Ciraaq.
Mudanahaan ayaa sheegay in maamulka Tel Aviv uu isku dayayo in uu wiiqo awooda ciidan ee dalka Ciraaq.
Kariim Al-Calaawi oo ka tirsan xildhibaanada ciraaq ayaa tilmaamay in Israel ay ka danbeyso duqeymo diyaaradeed oo lagu qaaday saldhig ay leedahay kooxda Xashaad Al-Shahaabi.
Dhanka kale wuxuu ka digay qorshayaal weerar oo ay damacsan tahay dowlada Isreal.