Somali News

Baarlamaanka Ciraaq oo meel mariyay qaraar dalkaasi looga saarayo ciidamada shisheeye.

Go’aankan ayaa imaanaya iyadoo dhawaan dowladda Mareykanka ay gudaha dalkaasi Ciraaq ka geesatay weerar lagu dilay General Qaasim Suleemaani oo ahaa hogaamiyaha Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran gaar ahaan guutada lagu magacaabo Qudus.

Baarlamaanka Ciraaq ayaa magaalada Baqdaad uga dhawaaqay in ay mamnuuc katahay dhamaan ciidamada shisheeye in ay adeegsadaan dhulka, hawada iyo biyaha Ciraaq sabab walba oo ay noqoto.

Go’aankan ayaa si wayn u saameenaya dowladda Mareykanka oo dalkaasi ay kaga sugan yihiin ciidamo gaarayo 5,000 oo askari.