Muqdisho-KNN-Baarlamaanka Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta meel mariyay Hindise sharciyeedka biyaha Soomaaliya oo ay dhawaan u soo gudbisay Wasaaradda Biyaha iyo Korontada.
Kulanka oo ay soo xaadireyn 150 Xildhibaan ayaa cod u qaaday Sharciga cusub waxaana Haa ugu codeeyay 147 ka mid ahaa Xildhibaanadii kulanka soo xaadiray.
Ma jirin Xildhibaanno ka aamusay Hindise sharciyeedka Biyaha ee ay Wasaaradda Biyaha iyo Korontada soo gudbisay.
Ansixinta Hindise sharciyeedkaas kaddib ayaa Wasiirka Wasaaradda Biyaha iyo Korontada Xukuumadda Soomaaliya Saalim Caliyoow Ibroow, waxaa uu xildhibaannad uga mahad celiyay sida ay u gudbiyeen sharciga Biyaha ee Soomaaliya.