Somali News

Baarlamaanka Hirshabelle oo kulan ku yeelanaya Jowhar.

Xildhibaannada Baarlamaanka Hirshabelle ayaa maanta kulankooda ugu horeeyay lagu wadaa  in ay kulan ku yeeshaan magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe, kadib doorashadii guddoonka baarlamaanka maamulkaasi.

Kulanka ayaa la filayaa in lagu shaaciyo guddiga  doorashada ee madaxweynaha Hirshabelle iyo ku xigeenkiisa.

Kulamo aan loo kala kicin ayaa xalay ilaa iyo saakay ka soconaya magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellada dhexe, iyadoona kulamo ay yeelanayeen xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Hirshabelle ,  guddoonka cusub iyo sidoo kale madaxdii hore ee Hirshabelle.

Sidoo kale Magaalada Jowhar ayaa waxaa xalay kulamo ka waday Madaxweynihii hore ee Somalia Shiikh Shariif Shiikh Axmed