Somali News

Baarlamaanka Itoobiya oo liiska argagixisada ka saaray Uraro hubeysnay oo dalkaas ka jiray

Muqdisho-KNN-Wararka ka imaanaya magaalada Adis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa sheegaya in sedax urur oo ka mid ahaa Mucaaradka dalkaasi horayna loogu daray liiska Argagaxisada ay Baarlamaanka dalkaasi hadda ay meel mariyeen in Ururadaasi laga saaro Liiskaasi Argagixiso.

Fadhi deg deg ah oo ay yeeshay Xubnaha Baarlamaanka dalkaasi ayey ku ansixiyeen qaraar ay Golaha wasiirada u soo gudbiyeen, kaasoo ahaa in liiska argagixisada laga saaro ururada hubeysan ee mucaaradka ah ee dalkaasi ka jira.

Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa si aqlabiyad leh u meel mariyay qaraarka liiska Argagixisada looga saaro Ururada Ginbot 7, OLF iyo ONLF.

Arintaan ayaa imaaneysa xili isbadal uu galay dalkaasi Itoobiya kadib markii Ra`iisul Wasaare loo magacaabay Abiy Axmed oo ka soo jeeda Qoymiyada Oromada.