Somali News

Baarlamaanka Jubbaland oo maanta aqbalay codsi kaga yimid Axmed Madoobe

Kismaayo-KNN-Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Jubbaland ayaa maanta waxaa ay kulan ku yeesheen xarunta Baarlaamaanka Maamulkaasi ee magaalada Kismaayo.

Kulanka oo ahaa Kalfadhigii 1-aad Fadhigiisa 7-aad ayaa waxaa shir gudoominayay gudooomiyaha gollaha Wakiilada Jubbaland Mudane Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan waxaana kooram ahaan soo xaadiray 52 Xildhibaan.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa ka doodista codsiga Madaxweynaha ee waqti kordhinta soo dhisida gollaha Xukuumadda Dowlad Goboleedka Jubbaland taas oo uu Madaxweynaha Jubbaland ka codsaday Baarlamaanka Jubbaland.

Gollaha Wakiilada Jubbaland oo qodabkaan dood dheer ka yeeshay ayaa gacan taag ugu codeeyay codsiga Madaxweynaha ee ku aadan muddo kordhinta waqtiga lagu soo dhisayo Xukuumadda cusub waxaana loogu daray muddo 90 maalmood ah.