Somali News

Baarlamaanka Jubbaland oo Ansixiyay Guddi uu Magacaabay Axmed madoobe

Kismaayo-KNN-Baarlamaanka maamul goboleedka Jubbaland ayaa meel meriyay guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland.

Baarlamaanka ayaa ku anxiyay cod gacan taag ah,waxaana Gudigan oo ka koobnaa 7 Xubnood horey u magacaabey Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam.

Axmed Madoobe ayaa dhowr jeer lagu eedeeyay in uu la soo daahay magacaabista guddigaan. Musharaaxiin badan ayaa dalbanayay magacaabista guddigaan walina ma jirto cid ka hadashay guddigaan oo xalay uun la magacaabay.

Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland ayaa dhawaan meel mariyay hindise sharciyeedkii ay ku shaqeyn lahayeen guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland.