Somali News

Baarlamaanka Kenya oo loo gudbiyay codsi ah in Ciidamadda Kenya laga saaro Soomaaliya

Muqdisho-KNN- Xillibaan ka tirsan Baarlamaaanka Kenya yaa gudbiyay codsi ah in la amro in sida ugu dhaqsiyaha badan Ciidamadda Kenya looga saaro Soomaaliya oo ay Al-shabaab kula dagaalamaan.

Xillibaan Cumar Macalin oo laga soo doortay bariga Mandheera waxaa uu doonayaa in Ciidamadda Kenya ee Soomaaliya ka howlgalayay Todobadii sano ee lasoo dhaafay dib loo celiyo, sida uu wariyay Wargeeyska the star.

Xillibaanku waxaa uu sheegay in Ciidamadda Kenya looga baahanyahay in ay Xuduudda Amaankeeda sugaaan.

Haddii uu codsigaan guuleeysto waxaa la arki doonaa in ka badan 4,000 oo askari oo dib ugu laabtay Dalkooda kadib sanado ay Soomaaliya Al-shabaab kula dagaalamayeen.

Xillibaan Cumar Macalin waxaa uu qiray in hadafkii Dowladda Kenya ay Ciidamadda Soomaaliya u keentay uu ahaa Danta nabadda.

“Waxaa na quseeya in hadafkaas aan la gaarin, Ciidamadda kenyana ay la daalaa dhacayaan Weerarro ka badan intii hore oo uga imaanya Al-shabaab” ayuu yiri Cumar Macalin.

Ciidamadda Kenya  waxay Soomaaliya soo galeen 2011 kii, iyaga oo aan kamid ahayn Howlgallka AMISOM oo ay hadda ka tirsanyihiin,  Al-shabaab ayaa Weerarro joogto ah ku qaada Ciidamadda Kenya ee Soomaaaliya jooga iyo Kuwo jooga Dalkooda.

Weerarro dhiig badan ku daatay ayey Al-shabaab ku qaadeen Kenya kadib 2011 kii.

Xillibaanka Codsigaan u gudbiyay Baarlamaanka Kenya waxaa soo qaatay khasaaraha Kenya kasoo gaaray Weerarkii 2013 kii Al-shabaab ay ku qaadeen Suuqii Westigate  oo ay ku dhinteen 67 ruux iyo Weerarkii Jaamacadda  Garisa  oo 149 ruux ay ku dhinteen.

Tan iyo 2012 kii Ciidamadda Booliiska Kenya waxay diiwaan galiyeen 155 Weerar oo Al-shabaab ay Dalkaas ka geeysteen.