Uncategorized

Baarlamaanka Puntland oo dib u dhigay Dood ku saabsaneyd Heshiiskii DP-World

Garoowe-KNN-Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa Magaalada Garoowe gaar ahaan Xaruntood ay ku yeesheen kulanka 28-aad, Kalfadhiga 46-aad ee Golaha Baarlamaanka.

Ajendaha kulankaas ee uu socda Xildhibaanada Puntland ayaa waxaa uu yahay Dib-u eegista heshiiska Shirkadda DP-WORLD ee ku aadan Dekadda Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Puntland Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino), ayaa hor yimid Baarlamaanka iyadoo xildhibaanada ay su’aalo dhowr ah ka weeydiiyeen heshiiskii ay wada galeen Xukuumadii Madaxweyne Cabduweli Gaas iyo Shirkadda DP World.

Xildhibaannada qaarkood ayaa soo jeediyay in dib loo dhigo ka doodista iyo dib u eegista heshiiska dekedda Boosaaso ,isla markaana Kalfadhiga 47-aad oo furmaya Bisha Octoober ay ku ballameen dib u fiirinta heshiishkaas oo Puntland iyo DP-World ay galeen 2017.

Baarlamanka Puntland ayaa dib u dhigey, dib-ueegis ay ku samayn lahaayeen heshiishka DP-WORLD ee dekedda Boosaaso. Kalfadhiga 47-aad oo furmaya October ayey ku ballameen dib u fiirinta heshiishkaas oo Puntland iyo DP-WORLD ay galeen 2017.

Saxaafadda madaxa-bannaan ayaan maanta loo oggolaan fadhiga golaha oo sidoo kale warbixin lagaga dhegeystay wasiirka Dekedaha Puntland.