Somali News

Baarlamaanka Puntland oo kulan ka yeelanaya Matalaadda Siyaasadeed ee la siiyay Gobolka Banaadir

Golaha Wakiilada maamulka Puntland ayaa Maanta oo Isniin ah Kulan deg deg ah ka yeelanaya Matalaadda Siyaasadeed ee la siiyay Gobolka Banaadir oo maalmo ka hor ay ansixiyeen Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Mudanayaasha Baarlamanka Puntland ayaa lagu wadaa in ay soo saaraan go’aamo ka dhan ah Ansixintii Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ay ansixiyeen in Gobolka Banaadir Aqalka Sare laga siiyo 13 xubnood.

Sidoo kale Xildhibaannada Baarlamanka Puntland ayaa Shalay dood adag ka yeeshay sida Puntland ka yeelayso  Go’aankii Baarlamanka Federaalku ay ku anisixiyeen Mataaladda Siyaasadeed ee Gobolka Banaadir.

Inta badan mudanayaasha Baarlamanka Puntland ayaa shalay ku dooday in Hannaanka    loo maray Ansixinta Xeerka Mataalaadda Gobolka Banaadir oo 13 Senetor Aqalka sare ka siinaya gobolkaas.