Somali News

Baarlamaanka Puntland oo Maanta Dooranaya Madaxweyne.

Garoowe-KNN-Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa saakay  lagu waddaa in ay doortaan doorashadda Madaxweynaha maamulka Puntland iyo Madaxweyne ku xigeenkiisa maamulkaasi.

Xildhibaanada Puntland oo ka kooban 66 Mudane ayaa maanta dooran doona hoggaanka Puntland hoggaamin doona shanta sano ee socota.

Ilaa iyo 32 musharax ayaa u taagan xilka Madaxweynaha iyo ku xigeenka Maamulka Puntland.

Amaanka ayaa saakay loo adkeeyay, iyadoona wadooyinka soo la soo dhigay ciidamo aad u fara badan.