Garoowe-KNN-Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa maanta meelmariyay miisaaniyad sanadeedka ee Xukuumadda Cusub ee Maamulkaasi, kadib kulan ay ku yeesheen Magaalada Garoowe.
Kulanka ayaa maanta waxaa soo xaaditay 40 mudane oo ka tirsan Baarlamaanka maamulka Puntland.
Ku dhaawad 38 mudane ayaa u codeeyay miisaaniyadda, halka hal xildhibaan uu diiday, waxaana sidoo kale ka aamusay hal mudane, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha golaha baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo).
Miisaaniyadda sanadkan ee maamulka Puntland ayaa gaaraysa ku dhawaad $$54,000,450 (konton iyo afar malyan, afar boqol iyo konton dollar) taasoo uu todobaadkii hore soo gudbiyay wasiirka Maaliyadda ee maamulkaasi.