Somali News

Baarlamaanka Puntland oo markii ugu horeysay Kulan yeelanaya.

Garoowe-KNN-Xildhibaanada Barlamaanka Maamulka  Puntland ayaa maanta markii ugu horeysay waxaa ay  yeelanayaan kulankoodii ugu horeeyey, tan iyo doorashadii madaxweynaha iyo ku xigeenka puntland ee ka dhacday Garoowe bishan horaanteeda.

Ajandaha kulanka baarlamanka Puntland ayaa maanta waxaa uu yahay  magacaabista gudiyada joogtada ah ee barlamaanka Maamulkaasi.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa sheegay in waxyaabaha ugu muhiimsan ay ka hadli doonaan ay qeyb ka tahay sidii kulanka looga arrinsan lahaa  dejinta qodobada looga hadli doono mudada lagu jiro guud ahaan kal-fadhiga ugu horeeya ee barlamaanka cusub ee Maamulka  Puntland uu leeyahay waqtigan.

Amaanka xarunta Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa saakay aad loo adkeeyay,iyadoona wadooyinka la dhigay ciidamo aad u fara badan oo ka tirsan Maamulka Puntland.