Uncategorized

Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ka arinsanaya xeerka lagu Aasaasay Midowga Afrika

Muqdisho-KNN-Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ku kulma Xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho kadib markii la sheegay in xaruntoodii lagu bilaabay dib u dayactir lagu sameynaayo.

Ajendaha Kulanka ayaa ah Habmaamuska Xeerka lagu Aasaasay Midowga Africa ee Khuseeya Midowga Baarlamaanada Afrika, xeerkaas oo shalay ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Xukumadda Fedraalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxaan ayaa markii ugu horeeyay maanta shir Guddoomin doono kulanka Baarlamaanka Soomaaliya kaas oo shalay Ra`iisul Wasaaraha Soomaaliya ka hadlay sidii loo dar dar gelin lahaa howlaha Horyaala Baarlamaanka Soomaaliya.