Somali News

Baarlamaanka UK oo ka hor yimid doorasho waqtigeeda laga soo hor mariyo.

Muqdisho-KNN-Labo maalin gudaheed Ra’iisul Wasaaraha dalka Britain ayaa guul daradii sadaaxd kala kulmay baarlamaanka dalkaasi kadib cod aglabiyad leh oo ay ku diideen in bisha soo aadan laqabto doorashooyin waqtigooda laga soo hor mariyo.

Xisbiga Johnson ayaa ku fashilmay in uu ku guulaysto sadax meelood labo meel codadka baarlamanka dalkaasi si loo qabto doorasho waqtigeeda laga soo hor mariyay.

Xisbiga muxaafadka ayaa helay codad gaaraya 298 halka looga baahnaa codad gaaraya 434 cod.

Ra’iisul Wasaare Boris Johnson ayaa guul darada uu lakulmay kadib waxa uu cambaarayn dusha kaga tuuray hogaamiyaha xisbiga mucaaradka Jeremy Corbyn.

Johnson ayaa yiri waxa ay ila tahay in Corbyn uu yahay hogaamiyihii mucaarad ee ugu horeeyay taariikh dalkeena ee diida doorashooyin guud.

Mucaaradka ayaa xukuumada UK ka dalbaday kahor inta aanan loo dareerin doorasho guud in si buuxda looga laabto qorsha ah in heshiis la’an looga baxo Midowga Yurub.