Uncategorized

Bajaaj loo qeybiyay qaar ka mid ah Caruurtii ku agoontowday Qaraxii ka dhacay Zoobe.

Muqdisho-KNN-Hay’adda Gurmad Somali Relief oo ay ku mideysan yihiin Jaaliyadda Soomaalida ee ku nool magaalada Melbourne ee Dalka Australia ayaa maanta Shaqo Abuur u sameysay qaar ka mid ah dadkii Eheladooda ku waayay qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho 14-kii October ee sanadkaan.

Jaaliyadda Melbourne ayaa u qeybisay 13 qoys oo ka mid ah dadkii eheladooda ku waayay qaraxii Zoobe Gaadiidka loo yaqaano Bajaaj oo gaaraya ilaa iyo 13 Bajaaj oo Cusub  kuwaas oo loogu talagalay in la siiyo qaar ka mid ah Caruurta agoonta ah ee waalidkooda ku waayay Musiibadii Zoobe.

Hay’adda Gurmad Somali Relief ayaa Gaadiidkaas ku qarash-gareysay Lacag dhan $42,000 doolar ah iyagoo ka fakaraya sidii qoysaskaasi uga maarmi lahaayeen ku tiirsanaanta Gacan kale Islamarkaana shaqo loo Abuuro waxaana Gaadiidkaasi la gudoonsiiyay Caruurta agoonta ah gaar ahaan kuwii ugu darnaa ee dhibku saameeyay.

Sidoo kale dadkaan ayaa la siiyay Lacago doolar ah oo gaareysa $150 qofkiiba oo loogu talagalay in ay ku dhameestirtaan Sharciyada kale ee Gaadiidka sida Targo, Canshuurta wado marista, ruqsadda gaari wadista IWM ah.

Goobtii lagu wareejinayay waxaa Gaadiidkaan ku sugnaa Guddiga Gurmadka Qaran ee Qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe ee G/banaadir.

Dadka nasiibka u yeeshay in ay helaan Gaadiidkaas ayaa kala ah-:

1-Maryan Aadan Yalaxow

2-Duniyo Axmed Maxamed

3-Muxubo Sheekh

4- Aamino Maxamed

5-Hanad Axmed Cabdi

6-C/shakuur C/llaahi

7-Batuulo  Cabdulle

8-Ruqiyo C/llaahi Cumar

9-Nadiifo Maxamed Maxamuud

10- Xaawo Maxamed Xasan

11-C/llaahi Xasan

12- Jeyte Cabdi

13- Sacdiyo Maxamed Xuseen

Dadkii Nasiibka u yeeshay in ay helaan Gaadiidkaan oo ay ka muuqato Murugo iyo rafaad badan oo ay ka dhaxleyn dhibkii gaaray ayaa uga Mahad celiyay Jaaliyadda Melbourne ee mideysan hay’adda Gurmad Somali Relief  oo maanta u qeybiyay Gaadiidka Shaqo Abuurka u noqday ee Bajaajta waxayna sheegeyn in ay ku shaqeysan doonaan oo ay ka biilan doonaan Caruurtii ay ka tageyn Eheladii ku dhintay Qaraxaasi.

Jaaliyadda Soomaalida ee ku nool dalka Australia gaar ahaan Soomaalida ku mideysan hay’adda Gurmad Somali Relief ayaa noqonaya dadkii ugu horeeyay ee shaqo Abuur u sameeya qaar ka mid ah Ehelada dadkii lagu laayay qaraxii Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Hay’adda Gurmad Somali Relief ayaa dhowr jeer sidaan oo kale Gurmad u gaarsiisay dadka Soomaaliyeed oo ay dhibaatada ku heyso Gudaha Dalka waxaana kaalin weyn ay ka qaadatay Gurmadkii Abaaraha.

Sidoo kale Muslimiinta kale oo ay dhibaatada heysato ayay sidaan oo kale Gurmad u gaarsiiyeen waxaana ka mid ah dadkii ku nool yemen iyo Burma oo ay gaarsiiyen Gurmad xili ay ku jirto xaalad daran.