Somali News

Bakool: Guddoomiye cusub oo loo magacaabay degmada Ceelberde

Baydhabo-KNN-Wareegto ka soo baxday xaafiiska Wasiirka Arimaha Gudaha, dib u Heshiisiinta iyo Dowlaha Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Maxamed Abuukar Cabdi ayaa xilkii looga  qaaday Guddoomiyihii degmada Ceelbarde, iyadoona loo magacaabay Guddoomiye Cusub.

Guddoomiyiha xilka laga qaaday ayaa lagu magacaabaa Cabdifitaax Cumar Maxamed, waxaana guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay degmada Ceelberde ee gobolka Bakool lagu magacaabaa Haadi Siraad Cumar.

Hoos ka Akhriso Wareegtada Xil ka qaadista iyo Magacaabista:-