Wararka naga soo gaaray degmada Rabdhuure ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in 20 qof in ay sumoobeen, ka dib markii ay cuneen hilib Geel.
Guddoomiyaha degmada Rabdhuure oo warbaahinta kula hadlay magaalada Xudur ayaa sheegay in qaar kamid ah dadka sumoobay xaaladooda caafimaad ay liidato.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in dadkaan xaaladooda aysan u heyn gargaar caafimaad oo ku filan oo la gaarsiiyo degmada Rabdhuure.
Degmada Rabdhuure ee gobolka Bakool ayaa waxaa gacanta ku haya dagaalameyaasha Al-Shabaab, iyada oo ay adag tahay in loo gurmado dadkaas dhibaatada caafimaad la soo daristay.


