Xudur-KNN-Wararka ka imaanaya duleedka degmada Xudur ee gobalka Bakool ayaa sheegaya in Ciidamada ka tirsan Milatariga Soomaaliya ay howgalo ka sameeyeen deegaano hoostaga Xudur ay ku dileyn dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab.
Saraakiisha Ciidanka Xoogga ayaa waxay sheegeen in ay dileen sedex dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab, islamarkaana haatan ay wadaan howgalo kale oo ay deegaano kale saarayaan Al-Shabaab.
Maamulka degmada Xudur oo aan la hadalnay ayaa sheegay in ay khasaaro lixaad leh ay gaarsiiyeen kooxda Al-Shabaab, islamarkaana ay howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ay ka sii wadi doonaan deegaanada hoostaga degmadaasi.
Ciidamada Xoogga iyo kuwa K/galbeed ayaa mudooyinkii dambe howlgalo ka waday qeybo ka mid ah gobalada Bay iyo Bakool.