Somali News

Ballantii DF-ka ee ciidamada gadoodka Shabeelaha Dhexe oo shalay ku Ekeyd

Muqdisho-KNN-Qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada Xooga Soomaaliya ee gadoodka u jooga degmada Balcad ee Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa Idaacadda Kulmiye u sheegay in shalay ay ku Ekeyd waqtigii ay ku heshiiyeen in DF-ka Soomaaliya ay bixiso mushaarka ciidamada ilaa hadana aysan ka helin wax jawaab ah iyo Xuquuqda ciidamada midna.

Sarkaalkaan oo la hadlay KNN ayaa sheegay in wasiiradii ugu yimid Balcad ee kala ahaa Warfaafinta iyo amniga sidoo kalane wakiil ka ahaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku heshiiyeen in shalay oo Sabti gelinka dambe ay bixiso Dowladda mushaarka ciidamada iyo Xuquuqda kale.

Ciidamadaan ayaa sheegay in ay soo galayaan magaalada Muqdisho islamarkaana aysan ogolaan doonin Xaquuq la’aan iyagoo ku baaqay in la siiyo mushaarka ka maqan. Sidoo kale waxay sheegayn in Ciidankaan la diiwaan geliyay 4 bil ka hor ilaa hadana ay ka maqantahay Xuquuqdooda.

Hoos ka dhageyso Wareysiga Sarkaal katirsan Milateriga Soomaaliya