Somali News

Bam Gacmeed lagu weeraray Xaflad abaal-marin lagu doonsiinayay Arday Qur’aan ku tartamay.

Muqdisho-KNN-Koox hubeysan ayaa xalay Bam Gacmeed ku weeraray goob ay ka socotay Xaflad abaal marino lagu doonsiinayay arday ku tartantay Qur’aan kariimka ah.

Xafladda ayaa ka socotay xarunta degmada Waabari, masuuliyiinta degmada ayaa KNN u sheegay in hal qof oo ka qeyb galayaasha Xafladda uu ku dhaawacmay.

Ragii weerarka fuliyey ayaa goobtaasi ka baxsaday waxaana sidaan oo kale ramadaankii Gudihiisa Bam Gacmeed lagu weeraray dhowr jeer xarunta degmada Waabari ee magaalada Muqdisho.