Somali News

Bam gacmeed xalay lagu weeraray Xarunta Dowladda Hoose ee Boosaaso

Boosaaso-KNN-Wararka ka imaanaya  Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa sheegaya  in xalay  qarax bambaano lagu weeraray Xarunta Dowlada Hoose ee Boosaaso.

Dadka Deegaanka ayaa sheegay in khasaaro lixaad leh uu ka dhashay Qaraxyada Bambaanada ah ee ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Gobalka Barri.

Inta la xaqiijiyay  3 qof ayaa ku dhintay halka tiro intaa ka badana ay ku dhaawacmeen.

Ciidamada amaanka ee Maamulka Puntland ayaa saakay baaritaano ka wado Xaafadaha ay ka kooban tahay Magaalada Boosaaso .

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada amaanka ee Maamulka Puntland, kaasi oo ku aadan in ay faahfaahin ka bixiyaan qaraxyada iyo howlgalada ka socda Magaaladaasi.