Muqdisho-KNN-Koox hubeysan ayaa caawa waxaa ay bambo gacmeed ku weerareen fariisin ay Ciidamada booliska Soomaaliya ku leeyihiin degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.
Weerarka Bam gacmeedka ayaa si gaar ah waxaa uu kaga dhacay Afaafka hore ee Masjidka Xaaji Yabarow ee ku yaalla degmada Boondheere,waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Inta la xaqiijiyay hal qof oo darawal mooto bajaajle ah ayaa ku dhintay, halka labo qof kalana ay ku dhaawacmeen, sida ay goobjoogayaal u sheegeen KNN.
Ciidamada amaanka ayaa caawa waxaa ay baaritaano ka wadaan xaafadaha ee degmada Boordheere ee Gobalka Baanadir.
Ma jiraan wali wax war ah oo ka soo baxay Taliska booliska Soomaaliya.