Somali News

Bambo Gacmeed xalay lagu weeraray Madaxtooyada Koofur Galeed ee Baydhabo.

Baydhabo-KNN-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya bambo gacmeed xalay lagu weeraray Kontorool laga ilaaliyo Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo ee  Gobolka Baay.

Koox hubeysan oo watay Mooto Bajaaj ayaa la sheegay in bambaanooyin ku weerareen Kontoroolka, waxaana ku dhaawacmay laba askari oo ka tirsan Ciidamada ku sugnaa Barta Koontorool, halka qof shacab ahna uu ku dhaawacmay.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in ciidamada amaanka ay xalay baaritaano ka sameeyeen xaafadaha magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay, iyadoona dhalin yaro badan ay ku soo qabteen Baaritaankaasi.

Saraakiisha Ciidamada amaanka ee magaalada Baydhabo ayaan weli ka hadlay bamboo gacmeedkii xalay lagu weeraray kontorool ku yaala Madaxtooyada Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.