Muqdisho-KNN-Banaan bax looga soo horjeedo Dil iyo xarig Ciidanka Amaanku u geysteen koox la sheegay in ay Burcad ahayeen ayaa maanta ka dhacay Degmadda Kaxda ee Gobolka banaadir.
Waxaa isu soo baxay Dad ka cabanaya maamulka Degmadda oo ay tilmaameen in uu ka been sheegay raggii shalay Ciidanka Amaanku ay weerarareen. Dadka banaan baxa dhigayay ayaa sheegay in ragga la xiray iyo kuwa la dilay ay ahaayeen dhalinyaro ilaalo u ahaa Degmadda.
Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa Dilay Labo ka mid ah rag lagu eedeeyay in ay Burcad Dadka dhacda ahaayeen waxayna soo xireen sided kale, Afayeenka Booliiska Soomaaliya Qaasim axmed rooble iyo Gudoomiyaha Degmadda Kaxda Maxamed Sheekh Ismaaciil sheegay in Ragga ay Ciidanka Amaanku weeraraeen ay dhac ka geysan jireen Kaxda.
Qaar ka mid ah Dadkii Banaan baxa dhigayay oo lahadlay Idacadda kulmiye ayaa sidaan ku sheegay waxa ay ka cabanaan.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ragga shalay laga soo laxiray degmadda Kaxda Maxkadda lasoo taagi doono