Uncategorized

Banaanbax iyo Rabshado ka bilaawday Magaalada Qudus + SAWIRO.

Muqdisho-KNN-Tan iyo markii ay Dowladda Maraykanka Qudus ku sheegtay Caasimadda Israel ayaa magaaladaasi waxaa ka socda Banaanbax rabshado wata oo u dhaxeeya Shacabka reer Falastiin iyo Ciidanka Maamulka Yahuudda ee Israel.

Dadka reer Falastiin, ayaa waxay bilaabeen shaqo joojin, iyadoona ay albaabada u laabeen goobaha ganacsiga iyo waxbaraashada, si ay kaga falceliyan go’aanka Mareykanka ee uu Qudus ugu aqoonsaday Xarunta Israel.

Bannaanbaxayaasha, ayaa wadooyinka ku gubay taayeero, sidoo kalena waxay dab qabadsiiyeen calamada Mareykanka, Israel iyo weliba sawirada Madaxweynaha Mareykanka iyo Ra’iisal Wasaaraha Israel.

Maanta oo jimco ah ayaa lagu wadaa in dunida Muslimiinta oo dhan ay ka dhacaan Banaanbaxyo sidaan oo kale ah.