Somali News

Banaanbax ka dhacay magaalada Baardheere

Muqdisho-KNN-Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya degmada baardheere ee gobolka Gedo waxaa maanta gudaha degmada ka dhacay banaanbax looga soo horjeeda madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoowe).

Banaanbaxan ayaa waxaa soo agaasimay shacabka degmada baardheere ee gobolka gado,waxaana dadka bananbaxa dhigayey ay ku dhawaaqayeen ereyo ay kaga soo horjeedaan madaxweynaha maamulka Jubbaland.

Mid kamid ah dadka banaanbaxa dhigaye oo la hadlay KNN ayaa sheegay in maamulka Jubbaland uusan ka shaqeyn gudaha degmada islamarkaasina uusan xubin ku laheen dhaq dhaqaada maamul ee ka jira magaalada Baardheere ee gobolka gado.

Maalmihii dambe deegaano ka tirsan gobolka gado  waxaa ka dhacayay banaanbaxayo lagu mucaaradaye maamulka madaxweyne Axmed Madoowe,iyadoona sidaani oo kale banaanbax looga soo horjeedo madaxweynaha jubbaland uu ka dhacay degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka gedo.