Somali News

Banaanbax ka socda Muqdisho

Banaanbax weyn ayaa ka soconaya xarunta dugsiga tababarka booliska  ee Janeraal Kaahiye, waxaana soo qaban qaabiyey Maamulka gobolka Banaadir,kaas oo looga soo horjeedo  dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Banaanbaxa ayaa waxaa ka qeyb galaya Guddoomiyaasha  degmooyinka Gobolka Banaadir, Haween iyo dhalinyaro u fara  badan , kuwaasi oo  laga keenay degmooyinka.

Bananbaxayaasha  ayaa waxaa ay wataan Boorar ay ku qoran yihiin erayo ay ka mid ah yihiin soo sheeg Al-Shabaab, Ardaydeena waa mustaqbalkeena iyo turkiga waa  walaalaheena.

Banaanbaxa ayaa Maamulka gobolka Banaadir waxaa uu sheegay in loogu baroor diiqayo dadkii ku geeriyoodey qarixii ismiidaaminta ahaa ee 28-kii Bishii December ee sanadkii la soo dhaafay ee 2019 ka dhacay Isgoyska Ex-Koontorool Afgooye ee Muqdisho.