Somali News

Banaanbax ka dhacay Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Banaanbax  rabshado wata, islamarkaana looga soo horjeedo qof shacab ah oo xalay lagu dilay degmada Yaaqshiid ee Gobalka Banaadir ayaa waxaa uu ka dhacay degmadaasi.

Dad weyne aad u fara badan ayaa banaanbaxa waxaa ay si gaar ah kaga sameeyeen isgooska Fagax ee Magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay inuu dilkaaski geystay askari ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya, islamarkaana waxaa loo geystay Wiil dhalin yaro ah oo kaxeynayay Mooto Bajaaj.

Qaar ka  mid ah dadka ka qeyb galay banaanbaxa ayaa waxaa ay dalbanayeen in cadaalada la horkeeno qofkii ka dambeeyay dilka qof shacabka looga geystay xaafada Fagax ee degmada Yaaqshiid ee Gobalka Banaadir.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay Maamulka degmada Yaaqshiid, kaasi oo ku aadan in ay faahfaahin ka bixiyaan Banaanbaxa maanta ka dhacay degmada iyo cabashada ka soo yeertay dadka deegaanka.

Inta badan Shacabka Muqdisho ayaa Banaanbax waxaa ay ka dhigaan qaar ka mid ah Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo walaac ka muujinaya dilalka loo geysto,